🌙 Moon Media is a community-focused bilingual platform based in the diaspora. We produce inspiring interviews, real-life stories, educational content, and social discussions that empower East African voices around the world.
🎙️ Subscribe for podcasts, social awareness, and stories that matter.


Moon Media

Ramadaan Kariim

Moon Media waxay idiin soo bandhigaysaa waraysi qoto dheer oo muddo laga soo shaqaynayay.

Marti: Sheikh Abdurahman Bashir
Host: Mohamud Dulyadayn
Barnaamijka: Wacyi – Moon Media

Waraysigan waxaan si falanqeyn ah uga hadlaynaa:
Foolxumada iyo fadeexadaha reer Galbeedka – gaar ahaan kiiska Jeffrey Epstein iyo doodaha ku saabsan xiriirradii uu la lahaa dad saameyn leh oo caalami ah, iyo hadal-heynta ku saabsan xiriirro lala xiriiriyay Imaaraadka Carabta (UAE).

Maxay arrimahani ka muujinayaan nidaamka awoodda, akhlaaqda, iyo xisaabtan la’aanta? Maxaase laga baran karaa?

Goor dhow kala soco Barta Moon Media ee YouTube: youtube.com/@Moonmediamm

Yuusan ku dhaafin waraysigaani
#MoonMedia #Wacyi #RamadaanKariim

3 days ago | [YT] | 518

Moon Media

🔵 OGAYSIIS GAAR AH.

Caawa waxaan baahin doonaa waraysi muhiim ah oo cinwaankiisu yahay “Qiimaha Salaada”.

Waraysigan waxa si qoto dheer loogaga hadlayaa.

•Qiimaha iyo fadliga salaadda
•Sida salaaddu u tahay guusha adduun iyo aakhiro
•Saamaynta salaaddu ku leedahay nolosha qofka Muslimka ah
•Khatarta ka dhalan karta dayaca salaadda
•Sida loo xoojiyo joogtaynta iyo khushuucda salaadda
•Ramadaanka iyo Salaadda.

Kala Soco Moon Media, Youtube
đź“… Arbaco, 18 February 2025
⏰ 06:30 PM EAT – 09:30 AM CST

🎙 Marti: Sheikh Mawlid Ali
🎤 Wareysi: Abdinasir Ali.

4 days ago | [YT] | 255

Moon Media

Doorashooyinka Soomaaliya: Khilaaf, Dastuur & Mustaqbalka Dalka.

Moon Media waxay idiin soo gudbineysaa podcast cusub oo gaar ah oo ka hadlaya qodobada ugu xasaasisan siyaasadda Soomaaliya maanta.

Marti: Dr. Abdirashid Aabi
Host: Mohamud Dulyadyn
Wacyi – Moon Media
Sabti | 9AM MN | 6PM Bariga Afrika
Moon Media YouTube

Maxaa Lagu Falanqeeyay?

Podcast-kan waxa uu si qoto dheer u falanqeynayaa:

• Nuxurka Khilaafka Doorashooyinka – Awood qaybsiga, nidaamka Qof iyo Cod, iyo muranka muddada xil-haynta.

• Sababaha Khilaafku u soo Noqnoqdo – Qabyo-nimada dastuurka, aamin-darrada siyaasadeed, iyo suurtagalnimada faragelinta shisheeye.

• Xalka iyo Mustaqbalka – Doorka Maxkamadda Dastuuriga ah, wadatashiga siyaasadeed, iyo khatarta shacabka ka soo gaari karta haddii heshiis la’aan dhacdo.

Barnaamijkan Wacyi waa mid bulshada ku baraarujinaya fahamka arrimaha dastuurka, doorashooyinka, iyo jihada mustaqbalka dalka.

Kala soco Moon Media YouTube – Ha moogaan dooddan muhiimka ah. youtube.com/@Moonmediamm

2 weeks ago | [YT] | 280

Moon Media

https://www.youtube.com/watch?v=rVJGN...
Boqorka Dhaantada Abwaan Jaangoo iyo Waraysi Taariikhi ah

2 weeks ago | [YT] | 6

Moon Media

Moon media ayaad u baahan tahay.
Ganacsi aadan xayaysiin waa khasaaro.

More info; moonmedia.pro/
Official email; info@moonmedia.pro

3 weeks ago | [YT] | 435

Moon Media

SOMALILAND & ISRAEL

Waxaan mar kale waraysi la yeelanay Sheikh Abdirahman Bashir, annagoo diirada ku saarnay aqoonsiga Somaliland, doorka Israel, iyo danaha ku xeeran.

Waraysi xiiso leh, Kala socda Moon Media — saacad kadib. youtube.com/@Moonmediamm

1 month ago | [YT] | 844

Moon Media

Waxaan waraysi qoto dheer la yeelanay Mubaarak Haadi- dhiirigaliye, qoraa, tababare.
Waxaan kaga hadalnay sida dhalinyaradu 2026 uga dhigi karaan sanadkooda ugu fiican: ka gudbidda dib-u-dhigashada, kor u qaadidda wax-soo-saarka, iyo sida waqtiga si caqli leh looga faa’iidaysto.
⏱️ Waraysi 2 saac ah, aad u xiiso badan, dhalinyaradu si gaar ah bay u jeclaan doonaan.

đź“… Berri: 9:00am (Minnesota) | 6:00pm (Bariga Afrika)
▶️ YouTube: youtube.com/@Moonmediamm

Ha moogaan, 2026 ka dhig sanad guul leh!

1 month ago | [YT] | 653

Moon Media

Moon Media waxay waraysi gaar ah la yeelatay Senator Saynab Mohamed (63 DFL – Minneapolis). Waxaan ka waraysanay xaaladda ay maanta wajahayaan Somalida America, culayska siyaasadeed, siyaasadda xisbiga Democratic Party, iyo doorka bulshada. Sidoo kale waxay ka hadashay Trump iyo saameynta siyaasaddiisu ku leedahay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota, iyo doorashada soo socota ee midterm election-ka. Waraysiga oo full ayaan hadda baahinay ka daawo Moon Media YouTube, https://youtu.be/WHzWlufmuDo

1 month ago | [YT] | 282